Försäkringskassan's logo
Sign in
Keep in mind...

You are using an older version of your web browser. This means that you might not be able to use all of the functions of the website. We recommend that you update to a newer version.

Heshay sharciga deggenaanshada oo Iswiidhan

Meeshaan adiga waxaad ka akhrisankartaa waxa ey tahay Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) iyo lacagaha kaalmada suurtagalikaro inaad xaq u lahaatid adiga markaa heshid sharciga deggenaanshada joogtada ama sharciga deggenaanshada kusii meel gaarka oo Iswiidhan.

Waa maxay Försäkringskassan?

Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) waa xafiis dawladeed oo lacag siiya qoysaska caruur haysta, dadka xanuusanaya/jirran iyo dadka laxaadkoodu dhimanyahay/curyaannada. Lacagtaas waxa lagu magacaabaa kaalmada.

Film ku saabsan dejinta

11 minuter

Filimkan waxa loogu tallo galay dadkiina ku cusub wadanka Iswiidhan isla markaana qaata lacagta dejinta (etableringsersättning).

Maxan ku kala duwan yiiin Qasnadda caymiska (Försäkringsakassan) iyo shirkad caymis gaar ah?

Shirkadaha caymiska gaarka ah waa in aad adigu bixiso lacag si aad ugashid caymiskooda. Waxa aad tusaale ahaan bixin kartaa lacag si aad caymis u galiso gurigaada ama baabuurkaaga.

Qasab miyaa inaa aniga iska diwaangaliyo Försäkringskassan?

 

May uma baahnid inaad iska diiwaangalisid. Marka aad codsatid kaalmo lacageed waxay ay Qasnadda caymiska (Försäkringsakssan) baari doontaa inaad xaq uleedahay kaalmada lacageed ee aad dalbaday. Hadii aad xaq u leedahay kaalmadaa lacageed isla markaas ayaa lagu diiwaan galin doonaa.

 

May adigu isma diiwaan galinaysid. Hadii aanad codsanayn kaalmo lacageed ma iska diiwaan galinaysid qasnadda caymiska (Försäkringskassan).

 

Hadii aad leedahay caruur.

Hadii aad leedahay caruur ka yar 16 sanno, waanu kula soo xidhiidhi doonaa marka lagu diiwaan galiyo inaad degantahay wadanka. Markaas ayaanu baadhi doonaa inaad xaq uleedahay lacagta kaalmada caruurta (Barnbidrag) iyo kaalmooyinka kale ee qoysaska caruurta leh.

Hadii aad leedahay caruur ka weyn 16 sanno, waa inaad wargaliso Qasnadda caymiska (Försäkringskassan). Waxaanu markaas baadhi doonaa inaad xaq uleedahay lacagta kaalmada caruurta ee wakhtigeeda la dheereeyay (Förlängt barnbidrag) ama kaalmooyin dhaqaale oo kale.

Hadii aad timaado Iswiidhan adiga oon wadan caruur, uma baahnid inaad wax samayso. Laakin hadii ilmuhu kaa daba yimaadaan waa inaad wargaliso Qasnadda caymiska (Försäkringskassan). Waxaanu markaas baadhi doonaa inaad xaq uleedahay lacagta kaalmada caruurta (Barnbidrag) iyo kaalmooyinka dhaqaale ee kale ee qoysaska caruurta leh.

Waxaad wargalin kartaa in ilmuhu yimid mid ka mid ah xafiisyadayada adeega.

Ciwaanka oo xafiiska adeega (af iswiidhish)

Ma helikara aniga caawinaad markaan codsanaayo lacag kaalmo?

Haa. Waxaa jira dhowr si oo aad caawinaad ku helikartid markey noqoto ka wardoonida lacagaha aad xaq u leedahay iyo sidaa u soo codsaneysid.

1. Boggaan internetka ka akhriso lacagaha kaalmada kala duwan.

Warbixintu waxay ku qorantahay iswiidhish iyo ingiriisi.

Hadii aad fahmaysid/taqaanid luqada iswiidhishka waxaad kaligaa naga ogaysiin kartaa oo aad ka codsan kartaa bogga internetka Mina sidor. Mina sidor waxa lagu heli karaa luqada iswiidhiska.

2. Soo booqo xafiiska adeega Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) midkood.

Waxaad halkaa kula kulmi kartaa shaqaalaha Qadnadda caymiska (Försäkringskassan) waxaanad heli kartaa caawin si aad u ogaato waxyaabaha aad xaqa uleedahay iyo sida aad u codsankartid.

Hel meesha uu ku yaalo xafiis adeeg (af iswiidhish)

3. Lahadal gacanyare ku hadlaya luqadaada.

Waxanu kusoo uruurinay warbixin iyo macluumaadka xidhiidhka dadka Af-soomaaliga ku hadla.

Waxribixin Af-soomaali ah

Lacagaha kaalmada quseeya qofka helay sharciga deggenaanshada

Meeshan waxaad ka akhrisan kartaa warbixin ku saabsan lacagaha kaalmada ee aad xaq u yeelan karto marka aad hesho sharciga deggenaanshaha. Waxa jira cinwaan kasta hoostiisa goobo kuusii gudbin doona meel aad ka akhrisan karto warbixin dheeraad ah. Warbixintaasi waxay ku qorantahay iswiidhish iyo fiinish.

 

Hadii xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) uu kuu sameeyo barnaamijka dajinta dadka cusub waxaad Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) ka heli kartaa kaalmada dhaqaale ee dajinta dadka cusub. Hadii aad leedahay caruur ama degantahay guri kaligaa waxa kale oo aad heli kartaa kaalmada dhaqaalaha ee caruurta (etableringstillägg) iyo kabista guriga (bostadsersättning).

Kaalmada dhaqaale ee dajinta dadka cusub (af iswiidhish)

Filin af-somali ah

lacagta la qabsashada wadanka - Etableringsersättning

1 minut

 

Dhammaan dadka Iswiidhan oo carruur haysta oo ka yar 16 sano waxaa la siiyaa lacagta kaalmada carruurta (barnbidrag). Markuu ilmuhu buuxiyo 16 sano waa la joojinaya lacagta kaalmada carruurta (barnbidrag). Laakiin waxaa la helikara lacagta kaalmada carruurta la dheereeyay (förlängt barnbidrag) haddii caruurtu wali dhigto dugsiga aasaasigaHoose/dhexe.

Adiga ma helikartid lacagta kaalmada carruurta inta lagu siin lacagta nolol maalmeedka ey bixiyso Hey’adda socdaalka. Ma qaadan kartid lacagta kaalmada caruurta inta lagu siinayo lacagta nolol maalmeekda ay bixiso heyda’dda socdaalka/imigreeshanka.

Haddii adiga kula socdo carruur ka yar 16 sano markaa Iswiidhan imaaneysid waxaan kula soo xiriireynaa markii adiga lagu diwaangaliyo, sidaa adiga u helikartid lacagta kaalmada carruurta (barnbidrag). Haddii adiga kaligaa aad Iswiidhan imaatid ma ubaahnid inaa wax suubisid. Haddii canuga Iswiidhan imaawdo adiga kadib adiga waa inaad na soo ogeysiisaa inuu canuga imaaday.

Gunada caruurta (af iswiidhish)

Filin af-somali ah

waxyaabaha ku quseeyo adiga oo carruur haysto - Vad som gäller för dig med barn

1 minut

 

Lacagta gunnada waalidka (föräldrapenning) waa lacag lagu siinayo si aad fasax waalid u ahaankartid, oo laga wado inaad cunugga haynaysid meeshii aad ka shaqeyn lahayd, shaqo ka raadsan lahayd ama waxbarasho ka dhigan lahayd.

Ma qaadan kartid lacagta gunnada waalidka (föräldrapenning) inta lagu siinayo lacagta nolol maamleedka ay bixiso hay’adda socdaalka/imigreeshanka.

Inta uu cunuggaagu jiro marka uu Iswiidan yimmado oo uu degayo waxay saameyn ku yeelan kartaa inta maalmood ee lacagta fasaxa waalidka ee adigu ka waalid ahaan aad xaq uleedahay.

  • Haddii canuggu uu yahay 1 sano jir ama ka weynyahay marka uu Swiidhan degayo ugu badanaan 200 oo maalmood ayaa lacagta fasaxa waalidka lagu bixinayaa canugga.
  • Haddii canuggu uu yahay 2 sano jir ama ka weynyahay marka uu degayo Swiidhan ugu badnaan 100 maalmood ayaa lacagta fasaxa waalidka lagu bixinayaa canugga.

Gunada waalidka (af iswiidhish)

Filin af-somali ah

waxyaabaha ku quseeyo adiga oo carruur haysto - Vad som gäller för dig med barn

1 minut

 

Hadii aad leedahay caruur waxaad helikartaa kabka guriga (bostadsbidrag) hadii aad u baahantahay in lagaa caawiyo bixinta kirada ama qarashka bisha meesha aad ku nooshahay.

Waxa lagu siin karaa kabka guriga (bostadsbidrag) hadii aad ka yartahay 29 sanno oo aanad lahayn caruur.

Waxa aad heli kartaa oo kaliya kabka guriga hadii aad adigu iska leedahay guriga ama aad ku kiraysatay gacan koowaad ama gacan labaad. Laguma siin karo kabka guriga (bostadsbidrag) hadii aad qofkale gurigiisa ku nooshahay (inneboende) ama qayb ka mid ah gurigu kuu kiraysanyahay.

Kabka guriga oo qoysaska caruurta leh (af iswiidhish)

Filin af-somali ah

kaalmada kirada guriga oo qoyska - Bostadsbidrag familj

54 sekunder

kaalmada kirada guriga quseeyso adiga jiro 18 ilaa 28 sano - Bostadsbidrag 18-28 år

29 sekunder

 

Hadii adiga iyo caruurta waalidkod mid ahaan ay daan isqabin ama wada noolayn wa in waalidka kale aan la noolayn ciyaalka bixiyaa masruufkoda (lacag). Lacagtaas oo loo yaqaano Underhållssbidrag Hadii uu bixin waayo walaadka xaqa loogu leeyahay masruufka ciyaalka (underhållsstöd) waxaad ka dalbankartaa khasnada caymiska (Försäkringskassan).

Waalidka aan isla noolayn (af iswiidhish)

Filin af-somali ah

kaalmada dhaqaalaha la siiyo carruurta hal waalid la nool - Underhållsstöd

1 minut

 

Hadii aad haysatid caruur naafo ah ama bukaan jiif ah ama ubaahan daryeel dheerad ah waxad xaq u yeelan kartaa lacagta loo yaqaano (omvårdnadsbidrag) si aad u buuxisid bahiyihiisa dheeradka ah.

Lacagta kaalmada ah ee la siiyo waalidka haysta caruurta naafada ah (af iswiidhish)

 

Kaadhka cafimaadka (EU-kort) waa kaadh aad xaq u yelan kartid daryeel cafimaad hadii aad u safartid oo ku xanuusatid wadamada yurubta EU/EES ama iswiizerland. Kaadhku wuxuu dabooli doona sida hadii xanuun degedeg ahi u kugu soo boodo.

Kaarka midoowga yurub (af iswiidhish)

Filin af-somali ah

kaarka midoowga yurub - EU-kort

40 sekunder

 

Kaalmada kharashka ilkuhu waa kaalmo dhaqaale hadii aad u baahantahay daryeelka ilkaha.

Dhamaan dadka ku nool iswiidhan isla markaana ka tirsan caymiska bulashadu waxay leeyihiin kaalmada kharashka ilkaha laga bilaabo sanadka qofku buuxiyo 23 sanno.

Caruurta iyo dhalinyarta waa lacag la’aan daryeelka ilkuhu gabi ahaan.

Kaalmada kharashka ilkuhu waxay ka koobantahay, kaalmada guud ee kharashka ilkaha, kaalmada ilkaha ee xaalado gaar ah iyo, damaanadda kharaska badan ee ilkaha.

Kaalmada kharashka ilkaha (af iswiidhish)

 

Bogga internetka waxaad ka heli karta warbixino badan oo lacagaha kaalmada ah.

Lacagaha kaalmada oo kale (af iswiidhish)

Su’aalooyinka caadiyanka

  • Diwaangalinta bulshada waa liis ey ku qoranyahiin dadka Iswiidhan ku nool. Liiskaas waxaa ku qoran qofka magaciisa iyo meesha oo ku noolyahay. Hey’adda ku shaqo leh daryeelida liiska diwaangalinta bulshada waa Hey'adda cashuuraha (Skatteverket). Ka akhriso arrinta diwaangalinta bulshada bogga internetka ee Hey'adda cashuuraha (Skatteverket).

    Skatteverket (skatteverket.se) External link, opens in new window.

  • Haa. Xaq ayaad u leedahay inaad qaadato gunada/kaalmada lacageed sida dadka haysta sharciga abadiga ah (Permanent Uppehållstillstånd).

  • Maya, Khasab maaha inaad ku jirto qasnada caymiska ama aad ka diwaan gashan tahay si aad u hesho daryeel cafimaad.

  • Waxaad ka heli kartaa Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) lacagaha kaalmooyinka qaar, xitaa marka uu dhamaado wakhtiga sharcigaaga degenaanshaha ku meel gaarka ahi ee aad sugayso go’aanka hay’adda socdaalka (Migrationsverket) ee kordhinta sharciga.

    Si aad u heli karto waa in aad:

    • Dalbato kordhinta sharcigaaga degenaanshaha ka hor inta aanu kaa dhicin sharcigaagu.
    • Ku dalbato kordhinta sharcigaaga degenaanshaha isla sababtii aad ku dalbatay sharcigaaga hadda aad haysato.

    Warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee hay’adda socdaalka (Migrationsverket):

    Frågor och svar om förlängning av tidsbegränsade uppehållstillstånd enligt den tillfälliga lagen (migrationsverket.se) External link, opens in new window.

    Hadii aad diidmo ka heshid hay’adda socdaalka (Migrationsverket)

    Hadii aad ka dacwooto go’aanka hay’adda socdaalka (Migrationsverket) waxaad lacag ka heli kartaa Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) inta aad sugaysid go’aan cusub. Haduu aanad ka dacwoon go’aanka waxay Qasnadda caymisku (Försäkringskassan) joojinaysa inay bixiso lacagaha lagu siiyo.

Last updated: