Af soomaali (somaliska)
Waxa aanu boggan kusoo uruurinay macluumaadka iyo adeegyada loogu talogalay dadka ku hadla af-soomaaliga.
Dalbo ballan telefoon oo af-somali ah
Waxa aad samaysan kartaa ballan telefoon si aad ula hadasho gacanyare (handläggare) kashaqeeya xaruntayada macaamiisha oo ku hadlaya af soomaali, wakhti adiga kugu haboon. Gacanyaruhu (handläggare) wuxuu ku siin doona warbixin la xidhiidha qaabka aad u dalban lahayd wixii kaalmo ah.
Si aad ballan u samaysankarto waxaad u baahantahay cinwaan iimayl. Marka aad ballan samaysato waxa laguu soo diri doonaa iimayl wata xidhiidhiye (länk). Xidhiidhiyaha riix dhawr daqiiqadood ka hor inta aanu bilaabmin wadahadalkaagu. Waad kula sheekaysan kartaa ama kula hadli kartaa maamulka (handläggare) kombuyuutarkaaga ama taleefanka. Hadii aanad xidhiidhiyaha riixin si aad u bilawdo wada hadalka, waxaanu badalkeeda kaasoo wici doona telefoonka aad qortay.
Booqo xafiiska adeega
Waxa jira xafiisyo adeeg oo ku yaala Iswiidhan oo dhan. Halkaas oo lagaa caawin karo su’aalaha ku saabsan Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) iyo waliba hay’ado kale sida hay’adda cashuuraha (Skatteverket), hay’adda hawlgabka (Pensionsmyndigheten) iyo xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen).
Waxa tusaale ahaan lagaa caawin karaa wixii macluumaad ah iyo sida aad u isticmaali lahayn adeegyada internetka ee aad ku dalban karto gunno ama kaalmooyinka lacageed.