Tänk på att...
Din webbläsare är av en äldre modell. Det innebär att du kanske inte kan använda alla funktioner på webbplatsen. Vi rekommenderar att du uppdaterar till en nyare version.
Marka aad magangelyo ka codsatid Iswiidhan Actions
Loading...

Marka aad magangelyo ka codsatid Iswiidhan

Text När du har sökt asyl i Sverige somaliska Actions
Loading...

Meeshan waxaad ka akhrisankartaa waxa ey tahay Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) iyo waxyaabaha ku khuseeya marka aad magangelyo ka codsatid Iswiidhan.

Waa maxay Försäkringskassan?

Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) waa xafiis dawladeed oo lacag siiya qoysaska caruur haysata, dadka xanuusanaya/jirran iyo dadka laxaadkoodu dhimanyahay/curyaannada. Lacagtaas waxa lagu magacaabaa kaalmada.

Maxaa aniga xaq u leeyahay inaa ka helo Försäkringskassan?

Intaa adiga sharciga deggenaanshada sugeysid xaq uma lahid iney Qasnadda caymiska (Försäkringskassan) lacag kuu soo dirto. Laakiin markaa heshid sharciga deggenaanshada waxaa dhicikarta inaad xaq u lahaatid lacagta ay bixiso Försäkringskassan.

Sharciga deggenaanshada Iswiidhan