Cookies used by the Swedish Social Insurance Agency
On forsakringskassan.se, we use cookies to make the website work as well as possible for you. We also use cookies for web analytics that help us to improve the website.
You are using an older version of your web browser. This means that you might not be able to use all of the functions of the website. We recommend that you update to a newer version.
Meeshan waxaad ka akhrisan kartaa warbixin ku saabsan lacagaha kaalmada ee aad xaq u yeelan karto marka aad hesho sharciga deggenaanshaha. Waxa jira cinwaan kasta hoostiisa goobo kuusii gudbin doona meel aad ka akhrisan karto warbixin dheeraad ah. Warbixintaasi waxay ku qorantahay iswiidhish iyo fiinish.
Dhammaan dadka Iswiidhan oo carruur haysta oo ka yar 16 sano waxaa la siiyaa lacagta kaalmada carruurta (barnbidrag). Markuu ilmuhu buuxiyo 16 sano waa la joojinaya lacagta kaalmada carruurta (barnbidrag). Laakiin waxaa la helikara lacagta kaalmada carruurta la dheereeyay (förlängt barnbidrag) haddii caruurtu wali dhigto dugsiga aasaasigaHoose/dhexe.
Adiga ma helikartid lacagta kaalmada carruurta inta lagu siin lacagta nolol maalmeedka ey bixiyso Hey’adda socdaalka. Ma qaadan kartid lacagta kaalmada caruurta inta lagu siinayo lacagta nolol maalmeekda ay bixiso heyda’dda socdaalka/imigreeshanka.
Haddii adiga kula socdo carruur ka yar 16 sano markaa Iswiidhan imaaneysid waxaan kula soo xiriireynaa markii adiga lagu diwaangaliyo, sidaa adiga u helikartid lacagta kaalmada carruurta (barnbidrag). Haddii adiga kaligaa aad Iswiidhan imaatid ma ubaahnid inaa wax suubisid. Haddii canuga Iswiidhan imaawdo adiga kadib adiga waa inaad na soo ogeysiisaa inuu canuga imaaday.
Lacagta gunnada waalidka (föräldrapenning) waa lacag lagu siinayo si aad fasax waalid u ahaankartid, oo laga wado inaad cunugga haynaysid meeshii aad ka shaqeyn lahayd, shaqo ka raadsan lahayd ama waxbarasho ka dhigan lahayd.
Ma qaadan kartid lacagta gunnada waalidka (föräldrapenning) inta lagu siinayo lacagta nolol maamleedka ay bixiso hay’adda socdaalka/imigreeshanka.
Inta uu cunuggaagu jiro marka uu Iswiidan yimmado oo uu degayo waxay saameyn ku yeelan kartaa inta maalmood ee lacagta fasaxa waalidka ee adigu ka waalid ahaan aad xaq uleedahay.
Haddii canuggu uu yahay 1 sano jir ama ka weynyahay marka uu Swiidhan degayo ugu badanaan 200 oo maalmood ayaa lacagta fasaxa waalidka lagu bixinayaa canugga.
Haddii canuggu uu yahay 2 sano jir ama ka weynyahay marka uu degayo Swiidhan ugu badnaan 100 maalmood ayaa lacagta fasaxa waalidka lagu bixinayaa canugga.
Hadii aad leedahay caruur waxaad helikartaa kabka guriga (bostadsbidrag) hadii aad u baahantahay in lagaa caawiyo bixinta kirada ama qarashka bisha meesha aad ku nooshahay.
Waxa lagu siin karaa kabka guriga (bostadsbidrag) hadii aad ka yartahay 29 sanno oo aanad lahayn caruur.
Waxa aad heli kartaa oo kaliya kabka guriga hadii aad adigu iska leedahay guriga ama aad ku kiraysatay gacan koowaad ama gacan labaad. Laguma siin karo kabka guriga (bostadsbidrag) hadii aad qofkale gurigiisa ku nooshahay (inneboende) ama qayb ka mid ah gurigu kuu kiraysanyahay.
Kaalmada kharashka ilkuhu waxay ka koobantahay, kaalmada guud ee kharashka ilkaha, kaalmada ilkaha ee xaalado gaar ah iyo, damaanadda kharaska badan ee ilkaha.