Privatperson

Direktlänkar

Idag är: Ons 19 juni 2013

Xilliga ka arrinsashada iyo warbixinno waxtar leh (Handläggningstid och bra att veta)

Go’aanka magdhowga dhaqdhaqaaqida [aktivitetsersättning] ee ku salaysan jirro, dhaawac ama itaaldarro.

 

Gacanhaayehaaga ayaa kadib markii u codsigaaga helo, hal toddobaad gudahiisa kula soo xiriiri doono.

Waxaa lagu siinayaa warbixin ku saabsan goorta la filaayo in ka arrinsashada arrintada ay dhamaato. Ku talagal in ay qaadan karto qiyaastii afar bilood. 

Warbixinno waxtar leh!

  • Haddii aad xaq ku leedahay magdhowga dhaqdhaqaaqida, waxaad kaloo xaq u leedahay kaalmo-dhaqaaleedka kabida-kirada [bostadstillägg).

Ballanqaadka adeegan wuxuu khuseeya codsiyada la helay laga bilaabo 1:da diseembar 2009.

 


 

Go’aanka kaalmo-dhaqaaleedka kirada [bostadsbidrag]

 

Haddii an helno dhammaan warbixinnada muhimka ah, waxay ka arrinsashada arrintaada ugu badnaan qaadan doonta 30 maalmood.

Haddii an u baahanno warbixin dheeraad, caddaymo ama ay jirto in an ku dhaqaaqno baaritaan, waxay xalaadaas qaadan karta wakhti inta ka sii dheer. Xaaladaas waan kula soo xiriirayna.

 
Warbixinno waxtar leh!

  • Haddii goor dhow aad u soo guurtay hoyga waxaa muhim ah inaad hubsatid in adreeska laga diiwan geliyay.
  • Haddii aad degen tahay hyresrätt [guryaha la kireysto) ha illoowin inaad foomka codsiga ku soo lifaaqdo qoraalka heshiiska kireysashada iyo hyresspecifikation [warqada kirada lagu bixiyo). Haddii aad beri horre bostadsbidrag codsatay oo weli isla gurigii aad ku nooshahay waxaad xaaladaas soo diraysa hyresspecifikation oo bishaas.
  • Haddii aad degen tahay bostadsrätt [aqallada iskaashatada) ama kuwa loo yaqaanno småhus ha illoowin inaad soo dirto upplåtelse [qoraalka ciribtirida milkiyada) ama överlåtelseavtal [qoraalka heshiiska ku wareejinta milkiyada) iyo avgiftsspecifikation [qeexida kharashka). Haddii aad deyn qaadatay waa inaad soo dirta warbixin ku saabsan deynta iyo korsaarka lagugu leeyahay. Haddii aad degen tahay bostadsrätt oo aad beri hore codsatay bostadsbidrag, waa inaad soo dirta avgiftsspecifikation oo cusub. Teeda kale, waa inaad soo dirta warbixin ku saabsan deynta iyo korsaarka lagugu leeyahay oo cusub.

 


 

Go’aanka magdhowga jirrada carruurta [föräldrapenning]

 

Haddii an helno warbixinada lagamaarmaanka oo idil waxay ka arrinsashada arrintaada ugu badnaan qaadanaysa 30 maalmood.

Haddii an u baahanno warbixin dheeraad, caddaymo ama ay jirto in an ku dhaqaaqno baaritaan, waxay xalaadaas qaadan karta wakhti inta ka sii dheer. Xaaladaas hawlwadenehu hal toddobaad gudahiisa ayuu kula soo xiriirayaa.

Warbixinno waxtar leh!

  • Adeegso föräldratjänst [adeegga waalidiinta) ee goobta Internetka. Isla goobtaas waxaad ku dhaqaaqi karta qorsheynta sida aad u qaadan lahayd föräldrapenning, kana heli kartaa warbixin ku saabsan inta maalmood ee ku hartay. Teeda kale waxaad isla goobtaas ka codsan karta qaadashada föräldrapenning.
    Haddii aad ku talo jirto inaad wax ka bedesho qaabka qaadashada föräldrapenning, waa inaad wargelinta beddeladaas la hela ugu dambayntii 15:ka ee bisha. Wargelintu waxay ku suurtagelinaysa inaad hesho lacag sax ah.
  • Wargelinta qaadashada föräldrapenning waa in la soo gudbiya isla maalinta aad magdhowgeeda doonayso. Haddii aad doonayso qaadashada xilli la soo dhaafay waa inaad sheegta sababta. Warbixintaas ku soo qor goobta ereyadaan ay ku qoran yihiin [Övriga upplysningar] ee foomka [Begäran om föräldrapenning] magdhowga jirrada carruurta lagu codsado.
  • Haddii aad ogsoon tahay mudadda fasaxa waalidiinta aad qaadan doonto, looma baahna inaad dhowr jeer codsato ee hal jeer ayaa kugu filan.
  • Haddii codsiga föräldrapenning  uu yahay kii ugu horeeyay ama mushaharkaaga wax iska meddelay waa inaad soo dirta lönespecifikation.

 


 

Go’aanka magdhowga naafada [handikappersättning]

 

Gacanhaayehaaga ayaa hal toddobaad gudahiisa kula soo xiriiraayo, taasoo laga soo bilaabo maalinta codsigaaga la helay.

Waxaa xaaladaas lagu wargelinayaa goorta loo maleeyo in arrintaada go’aan laga gaari karo. Haseyeeshe, ku talagal in xilliga ka arrinsashada qiyaastii ay qaadan karto saddex bilood.

 
Warbixinno waxtar leh!

Sida codsigaaga looga arrinsado awgiis ayaa waxaa arrintaada loo magacaabi doona gacanhaaye-shaqsiyeed. Kulankaas waa inaad isku diyaarisa, sida adigoo ka soo fekera waxyaalaha aad doonayso in laga caawiyo iyo kharash dheeraadka curyaannimada awgeed ku soo wajihay.

Sida codsigaaga looga arrinsado awgiis waa inaad soo dirta qoraalka warbixinta takhtraka. Waa inaad daahid la’aan warqadaas soo dirta! Försäkringskassan kuma dhaqaaqi karo ka arrinsashada xaq u yeelanshada handikappersättning  haddii usan caddaymahaas helin.

Ballanqaadka adeegan wuxuu khuseeya codsiyada la helay laga bilaabo 1:da diseembar 2009.

 


 

Go’aanka magdhowga uur-yeelanshada [havandeskapspenning]

 

Haddii Försäkringskassan u helo warbixinada lagamaarmaanka oo aanan qabyo ahayn, waxay ka arrinsashada arrinta ugu badnaan qaadanaysaa 30 maalmood.

Haddii an u baahanno warbixin dheeraad, caddaymo ama ay jirto in an ku dhaqaaqno baaritaan, waxay xalaadaas qaadan karta wakhti inta ka sii dheer. Xaaladaas hawlwadenehu hal toddobaad gudahiisa ayuu kula soo xiriirayaa.

 
Warbixinno waxtar leh!

  • Intii aanan go’aan ka gaarin bixinta havandeskapspenning waxaan u baahanahay moderskapsintyg [qoraalka caddaynta uur-qaadida) iyo qoraal shaqo-bixiyehaaga uu ka caddaynaayo dib u melaynta. Qoralladaas waa inaad foomka ku soo lifaaqda.
  • Haddii hab tafatiran ugu sheekeyso hawlaha aad qabato, waxaa hab fudud looga arrinsan karaa arrintaada. Haddii goobta wax lagu qoro aysan kugu filnayn adeegso xaanshiyo dheeraad ah.
  • Haddii aad u shaqayso shirkado kala duwan, waa inaad warbixintaas codsiga ku soo qorta, xitaa haddii codsiga havandeskapspenning uu hal shirkad ay khuseeyso.

Ballanqaadka adeegan wuxuu khuseeya codsiyada la helay laga bilaabo 1:da diseembar 2009.

 


 

Go’aanka magdhowga jirrada [sjukersättning]

 

Gacanhaayehaaga ayaa kadib markii u codsigaaga helo, hal toddobaad gudahiisa kula soo xiriiri doono.

Waxaa lagu siinayaa warbixin ku saabsan goorta la filaayo in ka arrinsashada arrintada ay dhamaato. Ku talagal in ay qaadan karto qiyaastii afar bilood. 

Warbixinno waxtar leh!

  • Haddii aad xaq u leedahay sjukersättning waxaad kaloo xaq u lahaan karta bostadstillägg [kabida kharashka kirada).

 


 

Go’aanka magdhowga jirroleha [sjukpenning]

 

Haddii an helno dhammaan warbixinnada muhimka ah, waxay ka arrinsashada arrintaada ugu badnaan qaadan doonta 30 maalmood.

Haddii an u baahanno warbixin dheeraad, caddaymo ama ay jirto in an ku dhaqaaqno baaritaan, waxay xalaadaas qaadan karta wakhti inta ka sii dheer. Xaaladaas hawlwadenehu hal toddobaad gudahiisa ayuu kula soo xiriirayaa.

Warbixinno waxtar leh!

  • Hubso in shaqo-bixiyehaaga uu sida ugu dhaqsida badan jirro kugu qoray.
  • Markii qoraalka ballan-qaadka försäkran aad sood dirayso waa inaad ku soo lifaaqda caddaymaha xaalad-caafimaadeedka.
  • Fiirogaar sii su’aasha 4:aad ee försäkran ku qoran oo ah warbixin ku saabsan qaybta magdhowga sjukpenning aad codsanayso. Hubso oo sax taariikhda. Sidaaso kale, su’aasha 3:aad waa muhim. Ka sheekeey sida xannuunka u saamayn ugu yeeshay awooda shaqada.
  • Dusha foomka ku soo qor lambarka taleefankaaga, taasoo fududaynayso in lagula soo xiriiro haddii lagu baahdo. Waxaa dhici karto in kontroolka warbixintaada lagu dhaqaaqo.
  • Haddii codsiga sjukpenning  uu yahay kii ugu horeeyay ama mushaharkaaga wax iska meddelay waa inaad soo dirta lönespecifikation [warqada qeexida mushaharka).

Haddii aad xannuun ku qornayd muddo 60 maalmood ka badan

Haddii aad xannuun ku qornayd muddo 60 maalmood ka badan waxaa lagu magacaabaya gacanhaaye-shaqsiyeed.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan sida ay noqon doonto ka akhriso qoraalkan informationsblad

 


Go’aanka magdhowga jirrada carruurta ee kumeelgaarka ah [tillfällig föräldrapenning]

 

Haddii an helno dhammaan warbixinnada muhimka ah, waxay ka arrinsashada arrintaada ugu badnaan qaadan doonta 30 maalmood.

Haddii an u baahanno warbixin dheeraad, caddaymo ama ay jirto in an ku dhaqaaqno baaritaan, waxay xalaadaas qaadan karta wakhti inta ka sii dheer. Xaaladaas waan kula soo xiriirayna.

Warbixinno waxtar leh!

  • Adeegso föräldratjänst [adeegga waalidiinta) ee goobta Internetka. Isla goobtaas waxaad ku dhaqaaqi karta qorsheynta sida aad u qaadan lahayd tillfällig föräldrapenning, kana heli kartaa warbixin ku saabsan inta maalmood ee ku hartay. Teeda kale waxaad isla goobtaas ka codsan karta qaadashada tillfällig föräldrapenning.
  • Sidii an ugu arrinsanno codsiga tillfällig föräldrapenning  awgiis, waa inaad foomka ku soo lifaaqada caddaynta xannaanada ama dugsiga uu ubadkaaga dhigto.
  • Wargelinta qaadashada tillfällig föräldrapenning waa in la soo gudbiya isla maalinta aad magdhowgeeda doonayso. Haddii aad doonayso qaadashada xilli la soo dhaafay waa inaad sheegta sababta. Warbixintaas ku soo qor goobta ereyadaan ay ku qoran yihiin [Övriga upplysningar] ee foomka “Begäran om tillfällig föräldrapenning] magdhowga jirrada carruurta lagu codsado.

 


 

Go’aanka kaalmo-dhaqaaleedka xannaanaynta [vårdbidrag]

 

Gacanhaayehaaga ayaa kadib markii u codsigaaga helo, hal toddobaad gudahiisa kula soo xiriiri doono.

Waxaa lagu siinayaa warbixin ku saabsan goorta la filaayo in ka arrinsashada arrintada ay dhamaato. Ku talagal in ay qaadan karto qiyaastii saddex bilood.

Warbixinno waxtar leh!

  • Sida codsigaaga looga arrinsado awgiis ayaa waxaa arrintaada loo magacaabi doona gacanhaaye-shaqsiyeed. Kulankaas waa inaad isku diyaarisa, sida adigoo ka soo fekera waxyaalaha aad doonayso in laga caawiyo iyo kharash dheeraadka oo jirrada ubadkaaga awgeed ku soo wajihay.
  • Sida codsigaaga looga arrinsado awgiis waa inaad soo dirta qoraalka warbixinta takhtraka. Waa inaad daahid la’aan warqadaas soo dirta! Försäkringskassan kuma dhaqaaqi karo ka arrinsashada xaq u yeelanshada vårdbidrag  haddii usan caddaymahaas helin.

Ballanqaadka adeegan wuxuu khuseeya codsiyada la helay laga bilaabo 1:da  diseembar 2009.