
1. Codsashada
Siyaabaha codsashada magdhowga aad noogu soo gudbin karto, waa iyadoo internetka noogu soo dirto, boostada adeegsato ama xafiis xafiisyadayda kamid ah aad soo booqato.
Xafiisyadayda halkan ayaa ka heleysa (xiriiriyeha qariidada)

2. Ha iloowin
Dhammaan warbixinada ku hoos qoran ”Handläggningstider och bra att veta” waxaa ku xusan, waxyaalaha aan u baahan nahay oo saldhig u noqon doono qiimaynta xaq u yeelanshada qaadashada magdhowga. Waxyaalahaas waxay noqon karaan in an u baahan nahay hyresavtal (heshiiska aqal-kireysashada) waa haddii bostadsbidrag aad codsatay, ama caddaynta in ubadkaaga uu xannaanada/dugsiga ka maqnaa waa hadii aad tillfällig föräldrapenning codsatay. Haddii warqadahaan aad marki horeba codsigaaga ku soo lifaaqdo hab dhaqsi ah ayaa arrintaada waxaa looga qaban kara. Teeda kale, ha iloowin inaad foomka hab qabyo an ahayn u buuxiso oon magacaaga ku soo saxiixdo.

3. Anaga ayaa qiimaynno xaq u yeelanshada magdhowga
Anaga ayaa akhrisanno arrintaada. Waxaan ka codsan doona warbixin dhamaystirid ah ama caddaymo haddii loo baahdo.

4. Go’aan
Waxaa naga heleysa wargelinta lacag-bixinta ama go’aan qoraal ah (ku qoran af-iswiidish).
Waxaa ku qoran warbixin inta lacagta ay la eg tahay iyo goorta lacagtaas la bixin doono.
Haddii go’aanka aadan ku qanacsanayn waxaad Försäkringskassan ka codsan karta, in go’aankiisa uu dib ugu fiirsado. Warqada Försäkringskassan u soo qor, ku soo qor summada go’aanka aad doonayso in dib loogu fiirsado iyo sababta codsigaas. Ku soo qor magacaaga, tobbanka lambar ee aqoonsiga, adreeskaaga iyo lambarka taleefankaaga. Haddii wakiil aad leedahay waa inaad fullmakt (warqadda wakiilashada) oo koobi ahayn ku soo lifaaqada.
Försäkringskassan waa in warqadaas ay hesha laba bilood gudahooda, tiriskaas oo laga soo bilaabo maalinta go’aanka lagu wargeliyay.

5. Goorma lacagta heli doona?
Xilliga sugitaanka u dhaxeeya taariikhda aad codsiga soo gudbisay ilaa lacagta laga bixiyo, waa arrin ku xiran nooca magdhowga. Xilliyada arrinsashada iyo taariikhda lacag-bixinta ee haatan lagu dhaqmo waxaad ka heleysa haddii goobta ay ku qoran tahay ”Handläggningstider och viktigt att veta”.