Kolka aad dalka Iswiidan ku cusub tahay waxaa lagu siinayaa Gunnada sal-dhigida oo loogu talagalay laqabsashada dalka. Gunnada sal-dhigida waxa weeye lacag la siiyo qofka ka qaybqaata qorshaha dejinta ee Arbetsförmedlingen. Haddii aad carruurta wadato waxaad heli kartaa Gunnada sal-dhigida ee dheeraadka ah [Etableringstillägg]. Haddii aad keligaa nooshahayna waxaad heli kartaa Magdhawga kirada [Bostadsersättning].
Waa maxay Gunnada sal-dhigida sidee ayaanse u codsanayaa?
Kolka Arbetsförmedlingen laguugu dejiyo qorshe degitaan iyo laqabsasho, waxaad xaq u yeelan kartaa Gunnada sal-dhigida . Waxaad codsiga Gunnada sal-dhigida ka samayneysaa xafiiska Arbetsförmedlingen.
Qofka 20 sano buuxsaday ama weli 65 sano buuxsan (20-64) ayaa xaq u leh qaadashada Gunnada sal-dhigida. Teeda kale, qofku waa in sharciga u qaxooti ahaan ku qaatay ama qaxooti ahaan dalka loo keenay ama u ahaa qof magangeliyodoon ah.
Waa maxay Gunnada sal-dhigida ee dheeraadka ah, sidee ayaanse u codsanayaa?
Kolka aad qaadato Gunnada sal-dhigida oo aad guri ku haysato carruur waxaad heli kartaa Gunnada sal-dhigida ee dheeraadka ah. Gunnada sal-dhigida ee dheeraadka ah oo aad heleyso waxay noqon kartaa ugu badnaan 4500 karoon. Waxaad codsiga ku soo qoreysaa arjiga hoos ku qoran.
FK 6700 Ansökan om etableringstillägg (pdf 113 kB, opens new window)
Waxaad arjiyada ka dalban kartaa telefoonka 020-524524
Waa maxay magdhawga kirada, sidee ayaanse u codsanayaa?
Kolka aad qaadato Gunnada sal-dhigida oo aad keligaa guri deggan tahay, waxaad heli kartaa magdhawga kirada. Waxaad heli kartaa ugu badnaan 3900 karoon oo magdhaw ah. Waxaad codsiga ku soo qoreysaa arjiga hoos ku qoran.
Arjiga lagu codsado magdhawga kirada:
FK 6703 Ansökan om bostadsersättning (pdf 107 kB, opens new window)
Waxaad arjiyada ka dalban kartaa telefoonka 020-524524
Warbixin dheeraad ah
4143 Gunnada sal-dhigida (Etableringsersättning) (pdf 214 kB, opens new window)