Privatperson

Direktlänkar

Idag är: Sön 26 maj 2013

Af-soomaali (Somaliska)

Boggan waxaan ku soo aruurinay warbixinta oo aad af-soomaali ku qoran
Warbixin ku saabsan kaalmo-dhaqaaleedyada iyo magdhowyada kala duwan ee ka tirsan caymiska bulshada ayaa dalcan karta. Teeda kale, waxaad kalo heli karta warbixin ku saabsan inta ay qaadanayso ka arrinsashada, iyo waxyaalaha muhimka ah ogaanshadooda, markii magdhow aad codsanayso. Warbixin waxaad ka heleysa dhinaca bidixda. 

Xiriir

Wac Kundcenter (xarunta macamiisha) 0771-524 524

Waxaad la hadlaysa qof gacanhaayeha ah, haddii aad taleefan Kundcenter u soo dirto. Gacanhaayeyaasha Försäkringskassa waxay ku hadlaan af-iswiidish iyo af-ingriisi. Waxyaalaha laga caawin karo waxaa kamid ah, in lagu siiyo jawaabta su’aalaha qaarkood, warbixin ku saabsan arrintaada, caawinaada buuxinta foomka iyo warbixin ku saabsan hab-shaqaynta självbetjäningstjänster (adeegyada ku salaysan iska-wax-qabso). Waxaad kalo qabsan karta ballan booqasho iyo turjubaan.

Saacadaha Kundcenter u furan yahay waa:

Isniin – jimce 08.00-21.00
Sabti 08.00-15.00
Axad 15.00-21.00